Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta,Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira heerarka dowladda iyo xubno beesha caalamka ah ayaa goordhow gaaray caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb iyada oo ay halkaas si diirran ugu soo dhaweeyeen maamulka Galmudug.
Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Fiqi ayaa la xiriira daahfuridda shir maanta dhacaya oo ku saabsan arrimaha xasillinta iyo baarnaamijka deegaan bile ee Galmudug, kaas oo waxtar u leh bulshada deegaanka.
Ugu dambeyn, Shirkan oo goor-dhow furmi doona waxaa ka qaybgalaya hay’ado kala duwan, waxaana la filayaa inay kasoo baxaan qodobbo la isla ogol-yahay.















