SAWIRRO: Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir oo daahfuray ololaha tallaalka cudurka Dabeysha

0
360

Agaasimaha Caafimadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray xarumaha caafimadka hooyada iyo dhallanka ee degmooyinka Shibis iyo Wabari, si loo xaqiijiyo in dadweynaha caasimadda la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee caafimadka, isigoo halkaas warbixinno kaga dhageystay madaxda MCH-yada degmooyinkaas.

Agaasimaha ayaa warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta MCH-yada uu kormeerka ku sameeyay. Waxaa kale oo uu warbixinno la xiriira sida loogu adeego uu ka dhageystay shacabkii baaritaannada caafimaad iyo daweynta u tagay xarumahaas caaafimaad.

Sidoo kale, Agaasimaha Caafimadka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daah-furay olalaha carruurta looga tallaalayo cudurka dabeysha (Polio), taasoo ay ka faa’iideysan doonaan kumannaan caruur ah oo ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed ayaa dhawaan xilka loo magacaabay waxa uuna sheegay markii xilka lagu wareejinayay inuu la imaan doono waxqabad muuqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here