Waaxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gunaanaday shirkii Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.
Shirka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa qodobbadii looga hadlay waxa ay u badnaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka mid ahaa qodobbadii talooyinka laga dhiibtay:
- Nooca doorashada ee dalka
- Nidaamka Madaxtinimo ee dalka
- Nidaamka xisbiyada badan
- Guddiga doorashada Qaranka
- Mideynta muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada
- Habraaca dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka meel ku gaarka ah.
Shirla lagu bogaadiyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya dadaallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta iyo guulaha laga gaaray, waxaana lagu baaqay in loo midoobo la dagaallanka argagixisada nooc kasta oo ay tahay.
Waxaa kaloo lagu bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee deyn cafinta iyo dhameystirka hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo in ciidamada Qaranka ay si buuxdo ula wareegaan amniga dalka.
Sidoo kale, Shirka Wadatashiga waxaa lagu bogaadiyey doodaha dhameystirka dowlad dhisidda Somalia ee soo socday, waxaana dareen laga muujiyay manaasha Puntland ee shirka Wadatashiga Qaran, iyada oo lagu baaqay in ay muhiim tahay ka qayb-galka shirarka masiiriga ah.
Ugu dambeyn, Shirka Muqdisho lagu soo gunaanaday ayaa noqon doonin kii ugu horreeyay noociisa ee Muqdisho lagu qabto, waxaana lagu wadaa inay kulammo kale oo noocan oo kale ah la qaban doono.