Kulan ku saabsan u diyaar-garowga iyo isku dabaridka dabaal-degga munaasabadda Kowda Luuliyo, ayaa waxa uu ka qabsoomay Garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.
Kulankan oo ahaa mid waqti badan qaatay, waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer Qaran iyo heer gobol ee isku dabaridka munaasabadda maalmaha xorriyadda, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda cayaaraha dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha guddiga u diyaar-garowga xuska maalmaha xorriyadda Wasiirka Arimaha Gudaha, Mudane Ahmed Cali Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugnayd in si daahfuran loo maareeyo munaasabadda dabaal-degga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qayb-galka munaasabadaas.








































