SAWIRRO: Manchester United oo la ganaaxay kaddib markii lagu helay jabinta sharci muhiim ah

0
393

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax culus ku riday Kooxda Man United oo lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga ee kubadda cagta, waxaana ganaaxan uu kooxda ku keeni doonaa inay yareyso heshiisyada ay la galayso cayaartoy cusub.

Ganaaxa UEFA ayaa imaanaya iyadoo ay kooxda Manchester United diiwaan-gelisay £240 milyan oo Gini oo khasaare ah waqtigii lagu jiray Covid-ka ee adduunyada ay dhaqaale xumadu ku habstay.

Manchester United ayaa noqotay kooxda uu kasoo gaatay khasaarihii ugu weynaa Covid-ka, marka loo eego kooxaha kale ee horyaalka Premier League, waxaanay taasi keentay in UEFA oo ka duulaysa dheelitirka dakhliga iyo kharashka ay ku riddo ganaax culus.

Xiriirka UEFA ayaa sheegay in Manchester United ay ku ganaaxday inay bixiso lacag gaadhaysa £260,000 Gini oo ah jabinta ay jabisay sharciga dhaqaalaha, balse Man United ayaa war-saxaafadeed deg-deg ah kaga jawaabtay.

“Inkastoo aanan ku faraxsaneyn go’aanka UEFA, haddana kooxdu waxay aqbalaysaa ganaaxa ay UEFA qirtay inuu yahay mid yar oo farsamo oo muujinaya jabin sharcga dhaqaale wanaagga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedma Mancheter United.

Waxaa intaas la raaciyay; “Tani waxay ka turjumaysaa in UEFA ay bedeshay dheelli-tirka khasaaraha waqtigii COVID-19 ee la diiwaan-geliyay sannadkii 2022, kaas oo ogolaanayay in keliya aanu aqoonsanno €15 milyan oo Euro oo ka mid ah €281 milyan oo Euro oo uu hoos u dhacay dakhligayagu waqtigii musiibadani jirtay, sida lagu xisaabiyey FFP.”

“Musiibadaas kaddib, dakhliga kooxdu si xooggan ayuu u soo kabtay, waxaana la saadaalinayaa inuu heerkii ugu sarreeya uu gaaro sannadkan.” “Kooxdu waxay sii wadi doontaa inay taageerto xoojinta shuruucda sare loogu qaadayo sharciga dhaqaale wanaaggsa iyo sugnaanshaha kubadda cagta maxalliga ah iyo Yurub.” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyn, Ganaaxa UEFA ayay kooxdu sheegtay in uusan wax saamayn ah ku yeelanayn suuqa iibka ciyaartoyda ee Man United iyo inay sii wadato inay ciyaartooyo cusub la saxeexato heshiisyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here