Xisabiyaha cusub ee Dowladda Federaalka Somalia, Mudane C/raxmaan Maxamed Anas ayaa xilka kala wareegay xisaabihii hore, Marwo Faadumo Cismaan Faarax, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qayb-galay wasiiro, mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Dowladda Federaalka iyo xubno kale.
Ku-xigeebka xisabiyaha guud ee Dowladda FS, Cabdirasaaq Maxamed Abuukar oo madax u ahaa guddiga xil-wareejinta ayaa u mahad-celiyey xisaabihii hore shaqadii ay ka qabatay xafiiska, isaga soo dhaweeyey xisaabiyaha guud ee cusub.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Raaxo Janaqoow, wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyey xisaabiyaha cusub, iyagoo bogaadiyay xisaabiyihii hore shaqadii ay u qabatay Qaranka muddadii ay xilka haysay.
Xisaabiyihii hore ee DFS, marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilka ku wareejisay xisaabiyaha cusub ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Anas ayaa sheegtay in wax badan u qabsoomeen xafiiska sida hagaajinta habka xisaabaadka dowladda, horumarinta xiriirka hay’adaha iyo dib habaynta maaliyadda loona baahan yahay in xisaabiyaha cusub uu sii hormariyo, waxna ku kordhiyo.
Sidoo kale, Mudane Cabdiraxmaan Anas xil-wareejinta kaddib sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta hufnaanta, xaqiijinta dib u habaynta maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka u kala wareejiyay xisaabiyiihii guud ee hore iyo kan cusub ayaa sheegay in xafiiskan muhiim u yahay dib u habeynta Maaliyadda, shaqo wanaagsan laga qabtay intii ay joogtay Marwo Faadumo Cusmaan, isaga kula dardaarmay xisaabiyaha guud Cabdiraxmaan Anab kor u qaadista hufnaanta shaqada.
Ugu dambeyn, Xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda oo udub dhexaad u hay’adaha maaliyadda, waxaa ay golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka u magacaabeen Cabdiraxmaan Maxamed Anas 27-kii bishii la soo dhaafay ee April, waxaana uu beddelay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilkani haysay tan bishii October 2017-kii oo maantana si rasmi ah ugu wareejisay.














