SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Dhagax-dhigay dhisidda Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir: VIDEO

0
549

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Miqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira isgoyska shaqaalaha iyo waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isku socodka bulshada, gaadiidka iyo ganacsiga Caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada. Dhismaha waddadan ayaa qayb ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso ($1) Hal Doollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale oo munaasabada dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimada ay wadadan u leedahay isku socodka Caasimadda. Isaga oo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here