Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla xisaabtan iyo wacyigelin la qaatay agaasimeyaasha iyo hawl-wadeenada waaxyaha dakhliyada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir, Sheekh Cabdullaahi Garuun iyo Sheekh Cali-nuur Xoogsade oo kulanka ka hadlay ayaa diiradda saaray qiimaha Diinteena islaamka ay siisay maalka, dhowrista hantida, amaanada iyo xaaraantimeynta rashwada.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la dagaalanka musuq-maaduqa iyo dukumiintiyada been-abuurka uu sababay in kor loo qaado miisaaniyadda Dowladda Hoose, isla markaana lagu guuleystay in la dhawro xuquuqda shaqaalaha, waxa uuna ugu mahadceliyay hawlwadeennada waaxyaha dhakhliyada sida ay ugu qayb qaateen kobaca dhaqaalada Dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada waaxyaha dakhliyada kala duwan in ay ku dadaalaan amaanada iyo ilaalinta hantida ummadda, isaga oo ka digay in lagu xadgudubo dhaqaalaha laga soo qaado shacabka.


































