Kulan Soo Dhaweyn ah Oo Deegaanka Gubadley loogu Sameeyay Duqa Muqdisho

0
11

Munaasabad lagu soo dhaweenayay looguna Duceenayay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu qabtay Deegaanka Gubadley, iyadoona ay kasoo qeybgaleen Madaxda Maamulka Gubadley, Odayaasha Dhaqanka, Culimada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Deegaanka Gubadley Mudane Cabdullaahi Nuur (Kalibeey) iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada oo Munaasabada ka hadlay ayaa u rajeeyay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) in uu mas’uuliyadda eebe u fududeeyo, iyagoona balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan horumarka Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here