Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay madal lagu soo bandhigaayay (SAAMEYNTA UU MAANDOORIYAHA KU LEEYAHAY DHALINYARADDA IYO BULSHADA GOBOLKA BANAADIR). Daraasadan ayaa waxaa sameeyay Xarunta Hiil oo kaashaneysa Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Doodishe, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo cilmibaare Axmed Maxamed Xuseen, ayaa si weyn u falanqeeyay dhibaatada maandooriyaha uu ku hayo bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo saameynta dhinaca amniga, waxbarashada iyo caafimaad.
Duqa Muqdisho, Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhankiisa ka hadlay madasha ayaa sheegay in waqtigiisa ugu badan uu ku bixiyay la-dagaallanka maandooriyaha, si bulshada Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhallinyaradda Caasimadda loogu badbaadiyo dhibaatada maandooriyaha.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa sheegay in diinteenna xaniifta ah ay na fareyso in lala dagaalo maandooriyaha oo iyadu sababta amni-darro, anshax-xumo iyo in qofka isticmaala maandooriyaha uu ka tago mabaadi’i fara badan oo qofka islaamka waajib ku ah. Waxa uuna xusay in uu sii wadi doonno dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha si loo badbaadiyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Munaasabadan waxaa goob-joog ka ahaa xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS, Xildhibaanno ka tirsan BFS, Agaasimayaal ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Culumma’uddiin, qaybo ka tirsan dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada Caasimadda.




















































