Shacabka degmada Waaberi ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhagax-dhigay waddada laamiga ah ee isku xirta Shaqaalaha iyo Afasiyooni.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka degmada ku nool looga baahan yahay inay qayb libaax ka qaataan horumarinta degmadooda, isagoo sheegay in laamigan la dhisayana looga baahan yahay inay dadku ilaashadaan.