Howgallo qorsheysan ay ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya ka fuliyeen nawaaxiga degaanka tooratootow ayaa waxeey ku burburiyeen gaadiid ay Al-shabaab ku diyaarisay walxaha qarxa.
Taliska Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in ciidanka ay ka hortageen weeraro ay dooneysay Al-shabaab inay ku diyaarso tuulooyin hoos taga degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.
Saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gacnta lagu soo dhigay, kuwaas oo la sheegay inay diyaarinayeen qaraxyada, sida laga soo xigtay Taliska Danab.
Ma jirto cid ka madax-bannaan Ciidanka Danab, oo xaqiijisay sheegashadan, iyadoo Al-shabaabna aysan weli ka hadlin Arrintaas.













