Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo lagu Qabtay Kulan lagu taageeray ka mid noqoshada Somalia ee Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM looguna Mahadcelinayay Madaxweynaha JFS

0
363

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulan ballaaran oo uu maamulka gobolka Banaadir iyo howl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ku taageerayeen uguna mahad-celinayeen Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimayaal iyo kumannaan ka mid howl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Yuusuf Madaale oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa uga mahadceliyay madaxda Qaranka guulaha isdaba-joogga ah ee ka gaareen siyaasada arrimaha dibadda iyo gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here