Sawirro: Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay kulan looga hadlay Ammaanka Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

0
257

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo ay ku wehliyeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta Dowladda Hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah, iyadoo lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay srgagixisada 22-kii Janaayo ee sanadkan 2023-ka ku soo qaadeen xarunta Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here