Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug ayaaa lagu soo gabagabeeyay shirkii shanaad ee wasaaradaha caafimaadka iyo mamulka Gobolka Banaadir, waxaana shirkaan uga qaybgalay maamulka Gobolka Banaadir Agaasimaha Waaxda Caafimaadka, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo xiray wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadam, waxaa goobjoog ka ahaa wasiir-u-dowlaha Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo xubno kale.
Madasha inta ay socotay ayaa lagu lafa-guray qodobbo waawayn oo horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobbo asaas u ah horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhaw ee isbeddelka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.
Sidoo kale, Shirka waxaa lagu soo bandhigay hawlaha hortebinta leh ee horyaala wasaaradaha caafimaadka dowlad-goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay qodobbadii horey hoosta looga xariiqay ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed.
Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan bahda Wasaaradda Caafimaadka oo la lahaa doorka abaabulka shirka, waxa uuna sheegey in mashaariicda horyaalla wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha dowlad-goboleedya si bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran.

























