DUQA MUQDISHO: Wuu sii soconayaa dagaalka aan maandooriyaha iyo cid walba oo ku lug leh kula jirno: SAWIRRO + MUUQAAL

0
338

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ayaa maanta goobjoog ka noqday gudlbidda jawaanno badan oo ay ku jireen maandooriye iyo daadinta caagag kala duwan oo ay ku jireen calaq iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Mudane Abshir Maxamed Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inay hawlgallo ay iska kaashadeen hay’adaha Amniga iyo maamullada degmooyinla Bariga Xamar ay iska kaashadeen soo qabashada maandooriyahan oo isugu jira noocyo kala duwan oo la doonayay in si qarsoodi ah degmada loogu iibiyo.

Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa ku sheegay hadal uu jeediyay in hay’adaha Amniga iyo maamullada degmooyinka caasimadda ay kalin weyn ka qaadanayaan sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, isagoo sheegay in tallaabadan ay tahay mid si weyn loo ammaano.

“Kooxihii watay maandooriyahan waxa ay dusha ka saareen dhuxul si loogu maleeyo inay wataan dhuxul ganacsi ah, sidoo kale calaqa waxay ku shubeen caagag kala duwan si loogu maleeyo inay biyo wataan, balse dadaalka ciidamadu bixiyeen ayaa lagu soo qabtay, waana qayb ka mid ah dagaalka aan kula jirno maandooriyaha iyo cid walba oo ku lug leh,” ayuu yiri Madaale.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka ay kula jiraan maandooriyaha nooc walba oo uu yahay ay sii wadaayaan. Waxa uuna xusay inay ogyihiin meelaha lagu iibiyo xaafadaha la geeyo oo aysan ka hari doonin, cid walba oo shacab ama mas’uul ama sarkaal ah ee ku lug yeeshana gacanta ayaa lagu soo dhigayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here