Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo la kulmay Safiirka Sacuudiga Somalia U Fadhiya+Sawiro

0
864

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad oo Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudiga ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here