Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta furay xaflad loo sameeyay daahfurka iyo dhaqan-gelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.
Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka, Marwo Suuban Abdi Nuur oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskan uu yahay sidii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda, waxaana ay xustay in shirkaddan ay tahay shirkad ay mas’uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.
Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ciidamada, culummaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna tilmaamay in arrintan ay muhiim u tahay caafimaadka qofka bani’aadamka ah ee Soomaaliyeed isla markaana ay waajib tahay ilaalinta tayada badeecadaha dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla markaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan hal-beegyada tayo-dhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxa uuna carabka ku dhuftay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.
Ugu dambwyn, Wasiirku wuxuu xusay in barnaamijkan uu kaalin weyn ka qaadan doonaa kor u qaadista dakhliga gudaha, horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabto tayada badeecadaha ee dalka. Waxa kale oo uu boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay kaalinta horumarka ah ee ay mar walba kaga jiraan dalka, balse aan la aqbali doonin ganacsato dalka u soo dhoofisa waxyaabo tayadoodu ka hoosayso halbeegyada dalka.































