Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu kasii cayaarayo horyaalka dalka Sucuudiga, inkastoo ay ku dhacday koob la’aan xilli cayaareedkan. Balse waxa uu sheegay inuu rajeynayo in laacibiin kale oo heer caalami ah uu filayo inay kusoo biiraan horyaalka Sucuudiga.
Weeraryahanka kasoo jeeda Portugal ayaa naadiga Al Nasar u saxiixay heshiis laba sano ah, iaagoo mushaar ahaan u qaadan doona 200 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 220.16 milyan oo doollar, isaga oo markii ugu horreysay cayaaraha kooxdan qayb ka noqday bishii Jannaayo ee sanadkan.
Waxaa 16 kulan oo uu Al Nasar u cayaaray uu dhaliyay 14 gool, balse kuma filna in uu kooxdiisa ka caawiyo in ay ku guulaysato horyaalka Saudi Pro League (SPL), iyadoo Al Nassar ay ku dhameysatay kaalinta 2-aad, waxaana horyaalka ku guuleystay kooxda Al Ittixaad.
Sidoo kale, 38-sano jirkan oo kulankii ugu dambeeyay aan safan dhaawac soo gaaray awgiis ayaa sheegay in horyaalku uu yahay mid aad loogu xifaaltamo, balse ay jiraan fursado badan oo lagu horumari karo.
“Kooxo aad u wanaagsan iyo ciyaaryahano Carab ah oo aad u wanaagsan ayaan haysannaa, balse waxa aan doonaynaa in la horumariyo dhismaha garoomada, waxa ay u baahan yihiin in loo dhamwystiro, sidoo kale waa in xirfadda garsoorayaasha sare loo qaado, gaar ahaan nidaamka VAR, waa inay noqdaan kuwo sidan ka degdeg badan,” ayuu Ronaldo ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahin ka faalloota cayaaraha.
Waxa uu hadalkiisa daba-dhigay: “Laakiin halkan waan ku faraxsanahay, waxa aanan doonayaa inaan halkaan ka sii wato,” ayuu raaciyay Ronaldo.
Ugu dambeyn, Illaa iyo imaatinka Ronaldo, ee kooxda ka dhisan Sucuudiga, waxaa lala xiriiray dhawr ciyaaryahan oo si aad ah looga yaqaan caalamka si ay ugu biiraan Al Nasar, balse taasi weli ma suuro-gelin.













