SAWIRRO: Man United oo guul ka gaartay cayaar ay Dalka Mareykanka kula yeelatay Kooxda Arsenal

0
424

Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ka faa’ideysatay labo qalad oo ay gashay Arsenal iyadoo kabtanka cusub ee Bruno Fernandes iyo Jadon Sancho ay guul ku bilowdeen safarkooda Mareykanka.

Kooxda Erik ten Hag ayaa ku dhameysatay kaalinta 3-aad xilli ciyaareedkii hore ee PL, waxa ayna fiidnimadii Sabtida kulan cajiib ah oo ay kula yeesheen kooxda kaalinta 2-aad ka galay horyaalka Premier League garoonka MetLife Stadium uga adkaadeen si xarrago leh.

United ayaa guul ka soo gaartay kulankii ugu horeeyay ee ay labada kooxood ku yeesheen Mareykanka, Fernandes iyo Sancho ayaa dhaliyay labada gool oo ay kooxda Man ku adkaatay.

Goolkii 1-aad ayaa waxaa kooxda Arsenal looga dhaliyay khalad uu galay goolhayaha kooxda, Aaron Ramsdale, iyadoo meel fog uu shabaqa ka toogtay kabtanka cusub ee Man United Fernandes uuna si fudud ugu hubsaday kubadda shabaqa Arsenal.

Goolkii labaad waxaa Manchester United u dhaliyay Sancho oo isna fursad ku helay kubad khaldantay, taasoo ka dhigtay inay kooxdu muujiso awooddeeda, waxaana garoonka New Jarsey oo ay Man United iyo Arsenal kuwada cayaarayeen ku 82,262 oo qof. Waxaana daawadayaasha qaar ka mid ah ay garoonka kala baxeen niyad-jab weyn.

Laacibka cusub ee United, Andre Onana ayaa cayaarta ka daawanayay tarabuunka, iyadoo kooxda Arsenal ay u cayaarayeen Declan Rice iyo Jurrien Timber oo ay dhawaan soo iibsatay.

Ugu dambeyn, Xiddigaha Arsenal ayaa isku diyaarinaysa kulan Arbacda soo aaddan ay kula yeelanayaan garoon ku yaalla – Los Angeles kooxda Barcelona, kulankaas oo isna ah saaxiibtinimo ayaa la ogeyn waxa ay natiijadiisu noqon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here