Madaxweynaha iyo warfidiyeenka, waxa aan ku faraxsanahay in aan mar kale imaado Soomaaliya lix sano kaddib markii aan noqday xoghayah guud ee QM, kuma aanan darin booqashooyin kale oo aan ku imid Soomalaiya aniga oo ah madaxa hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, taas oo aan ahaa in ka badan 10-sano, wax aan rabaa in aan hambalyeeyo madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa sida ay ii doo dhaweeyeeen… waa booqasho midnimo muujineysa.. sanad walba inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramaadaan waxa aan ku sharfaa in aan booqdo waddan muslim ah.. maanta waxa aan ku faraxsanahay in aan imaado Soomaaliya oo aan weliba la soomo shcabkeeda si kalsooni leh… waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo qof kasta oo door ku laha imaasheyga siiba madaxweynaha Soomaaliya iyo guddiga loosoo xulay in ay aniga iyo wafdiga ila socda nasoo dhaweeyaan.
Aniga iyo madaxweynaha Soomaaliya waxa aan isla falanqeynay guulaha laga gaaray argagixisada iyo sida meelo badan nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaalay, waxaan hoosta ka xariiqnay sida ay muhiim u thay in ay si dhaw u wada-shaqeeyaan Dowladda dhexe iyo Dowlad-gobloeedyada, taasoo keenaysa tageeradeenna iyo in dalka la wada dhiso, waxa aan bogaadinaynaa heshiiskii kal hore ee u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaa uuna heshiiskaas helay taageeraadeenna.
Waxaan rabaan inaan beesha caalamka ugu baaqo in ay Soomaaliya dhinac walba ka taageeraan, sababta oo ah waxa uu dalkan wajahayaa xaalad bani’aadanimo oo aad khatar u ah, waxa kale oo aan ku baaaqayaa in dhinaca ammaanka laga taageero si dalku mar kale cagihiisa isugu taago… Soomaaliya waxa ay waqtiyo badan wajaheysay abaaro is xig-xigay gaar ahaan shantii sano ee ugu dambeysay… waxa aan rajeynayaa in roob badani yimaado si in badan oo dalag ah loo soo saaro.
Soomaaliya waxa kale oo ay dhibaato ugu jirtaa isbeddelka cimilada adduunka oo ay meel aad u hooseysa uga jirto, taasoo dad badan dhibbane u noqdeen.
Soomaliya 5 milyan oo qof ayaa hadda cunno u baahan, waxaana dhibaatada sii murjiyay sicirka cunnada oo kordhaya sidaa darteed waxa aan ka codsanayaa deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka in ay awooddooda isugu geeyaan taageerada Soomaaliya.. waxa aan ognahay deeqihii la yaboohay 2023, waxaa la helay 15% oo kaliya… Somalia waxa ay u qalantaa oo ay beesha caalamka ka doonaysaa in la garab-istaago, lagana hortago macluusha iyo abaaraha si ay u noolaadaan oo ay ugu hortagaan khataraha jira, si ay aakhirka uga soo kabsadaan dhibaatooyinka Al-shabaab uu baday sanado badan ka hor.
Ugu dambeyn, Haddii aan nahay Qaramada Midoobay waxa aan muujinaynaa taageeradiina.. waxaana dowladda iyo shacabka Soomalaiyeed u rajeynayaa in ay ahaadaan kuwo daggan oo horumar gaara.













