Duqa Caasimadda oo ay Wehliyaan Wasiirro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan G/Banaadir oo ka Qayb-galay Dibadbax looga soo horjeedo Itoobiya: SAWIRRO + MUUQAAL

0
284

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa iyo xoghayaha guud ayaa kumannaan ka tirsan shacabka caasimadda kala qayb-galay banaanbaxyo waa weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho kuwaasoo lagu diiddan yahay damaca dowladda Itoobiya iyo heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi.

Dibad-baxayaasha oo socod kusoo maray qaybo ka tirsan waddooyinka caasimadda ayaa ugu dambeyn isugu yimid isgoyska KM4 iyo barxadda taallada Daljirka Dahsoon, halkaas oo ay kula hadleen wasiirro, xildhibaanno, culumaa’uddiin, odayaal-dhaqan iyo Duqa Muqdisho.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ayaa watay boorar ay ku muujinayeen in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay dowladda Itoobiya in ay ka fiirsato tallaabooyinka qaldan oo ay qaadayso.

Ugu dambeyn, Shacabka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan una diiddan yihiin xad-gudubka dowladda Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda Soomaaliya, waxa ayna dowladda Itoobiya ugu baaqeen inaysan ku kadsoomin heshiiskii xaqdarrada ahaa ee ay dhawaan la gashay maamulka Muuse Biixi. Iyaga oo sheegay in shacabka Soomaalida oo dhan ay hal fikir ka aamisan yihiin arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here