Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenada amniga iyo siyaasadda, arrimaha bulshada, taliyeyaasha booliiska iyo nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa tacsi ugu tagay qoyska marxuumad Luul Sheekh Cabdi oo u geeriyootay fal arxan-darro oo uu ku gubay seygeedii.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Madaale ayaa kafaala qaaday nolosha carruurta ay marxuumaddu ifka uga tagtay, isaga oo sheegay in laamaha amniga ay ku raad joogaan dambiilaha baxsadka ah, isla markaana ay qoyskii ay ka baxday Luul heli doonaan cadaalad.















