Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir, mudane Faysal Carraale Afrax ayaa soo soo xiray tababar socday mudda afar maalmood ah oo ay ka faa’iideysteen 60 xubnood ka tirsan hawl-wadeennada qaybaha maamulka Dawladda Hoose.
Agaasimaha qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa tilmaamay in tababarkan si gaar ah diiradda lagu saaray casriyeynta iyo qorshaynta Caasimadda, sida deegaameynta, goobaha warshadaha, ganacsiga iyo guud ahaan horumarinta adeegyada bulshada
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud, mudane Faysal Carraale ayaa si wadajir ah ula dardaarmay hawl-wadeennada tababarka loo soo xiray, waxa ayna ku boorriyeed in waxyaabihii ay ka faa’iideyn tababarka ay ugu adeegaan bulshada iyo horumarinta Caasimadda.















