Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa guddoomiyay kulan uu guddiga ku yeeshay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa looga hadlay muhiimadda maalmaha Qaran ee 26 june iyo 1-da Luulyo, dardar-galinta hawlaha qaban-qaabada iyo sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad.
Sidoo kale, shirkan waxaa qayb ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Deeganka iyo Beeraha XFS, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaal ka socday hay’adaha ka shaqaynaya qaban-qaabada maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.














