Kooxda Manchester United ayaa heshiis shan sano ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Mason Mount, sida ay goor dhaweyd shaacisay The Athletic.
Wadahadallo muddo dheer soo jiitamayay, ayaa kooxda London aqbashay dalabkii seddexaad oo ka yimid United oo ku kacaya 55 milyan ginni (69.39 milyan oo dollar) oo lagu daray 5 milyan ginni oo dheeri ah, sida ay sheegeyso warbixinta The Athletic.
24-sano jirkaan oo ah wax soo saarka akadeemiyada Chelsea ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay sanadkii 2017, waxaana tan iyo markaas uu dhaliyay 33 gool, waxaana uu caawiyay 37 gool 195 kulan oo uu u saftay kooxda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee reer England, oo sidoo kale amaah kusoo qaatay Vitesse Arnhem iyo Derby County, ayaa ka caawiyay Chelsea koobabka Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.
Xilli ciyaareedkii hore Mount waxa uu ciyaaray 24 kulan oo horyaalka ah isaga oo dhaliyay 3 gool, caaawiyayna 2 gool, laakiin waxa caqabad ku noqday dhaawac miskaha ah.
Dhanka kale, Cayaaryahan N’Golo Kante oo toddobaadkii hore ku biiray kooxda heysata horyaalka Sacuudi Carabiya ee Al-Ittihad, ayaa weli ku lug yeelanaya kooxaha kubadda cagta Yurub kadib markii uu oggolaaday inuu iibsado kooxda heerka seddexaad ee dalka Belgium ee Royal Excelsior Virton.
Kooxdan ayaa sheegtay Khamiistii in ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea iyo Leicester City uu la wareegayo lahaanshaha kooxdan laga bilaabo 1-da Luulyo.
Naadigan, oo ku dhisan meel u dhow xudduudda Luxembourg, ma aysan shaacin wax faahfaahin maaliyadeed ah oo ku saabsan heshiiskan.
Ugu dambeyn, Shirkadda isleh kooxdan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhaqaale ahaan aysan liidan kooxdu, isla markaana aysan ku jirin wax deyn ah, iyada oo maamulkeed uu soo magacaabi doono N’Golo Kante.













