Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ku qaabilay ku dhawaad boqol qof oo ka mid dadka baahiyaha gaarka qaba, kuwaas oo la gudoonsiiyay deeq raashin ah oo loogu talo-galay inay nolashooda ku maareeyaan.
Guddoomiye Madaale ayaa mid-mid u wareystay dadka baahiyaha gaarka qaba, isaga oo ka dhageystay warbixina la xiriira xaaladaha ay ku nool yihiin iyo waxa ay u baahan yihiin in laga taageero, isaga oo ballan-qaaday in maamulkiisa uu had iyo jeer garab-taagan yahay sidii dadka baahiyaha gaarka ah qaba u heli lahaayeen fursada ay nolashooda ku horumariyaan.














