Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir muhiim ah uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Shirkan oo ay hormuud ka tahay Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka maamulka guud ee maaliyadda dalka.
Sidoo kale, shirka ayaa looga arrinsanayaa sidii xoogga loo saari lahaa dhameystirka deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammeystirka deyn cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XF Soomaaliya, Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkan si rasmi ah furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka maamulka guud ee maaliyadda dalka (PFM).
“Maanta waxaa noo billowday dib eegistii 5-aad ee barnaamijka ECF aan la leenahay Hay’adda IMF. Waxa aan uga hadli doonaa horumarka aan ka samaynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go’an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalka keenna” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.
Ugu dambeyn, Shirkan waxaa ka qayb-galaya, wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Caddaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraga dalka iyo wakiillo ka socda hay’adaha IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo hay’adaha taageeerq Soomaaliya.














