Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xarigga ka jaray Mashruuca Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya: SAWIRRO

0
214

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah oo ka taabagasha dalkeenna in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka, isaga oo tilmaamay si hadafkaas looga miro-dhaliyo ay muhiim tahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in xafiiska Ardaaga Casriyaynta Dowladnimada noqdo madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodo afkaaro horumarinaya hannaanka dowladnimo ee casriga ah, isaga oo kula dardaarmay khubarada ka shaqeynaysa ardaaga aqoontii ay soo barteen u gudbiyaan hey’adaha kale ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here