Waxaa si rasmi ah u furmay kulanka seddex biloodlaha ah ee Isku-duwidda howlaha caafimaadka Soomaaliya oo looga hadli doono horumarinta caafimaadka dalkeena.
Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa leh ajando ballaaran, waxaana ka soo bixi doono natiijooyin wax ku ool ah kuwaas oo yeelan doono ujeeddooyinka sida hawl-qabadka iyo xog-wadaagga ku saabsan horumarinta caafimaadka Soomaaliya.
Kulanka, waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliyo, Dr. Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali waxaana ka soo qaybgaley agaasime waaxeedyada wasaaradda caafimaadka, hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka Soomaaliya xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee dowladda dhakhaatiir iyo kaadiriin dhanka caafimaadka ah
Ugu dambeyn, Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada XF Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa mowduuc walba waxaana lagu soo bandhigi doona qodobbo waaweyn iyo doodo la xiriira caafimaadka dalka si dhammaan ka qayb-galayaashu ay wax ku biiriyaan, iyada oo ujeeddadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta caafimaadka Qaranka.





































