Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed C/llaahi oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Carraale Afrax ayaa loogu hadlay xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Gothenburg, Is-dhaafsiga aqoonta golayaasha deegaanka iyo tan Dowladaha Hoose iyo sidii loogu shaqeyn lahaa mataaneynta labada magaalo.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdullaahi oo martiqaad rasmi ah ka heysta Guddoomiye Madaale ayaa intuu joogo Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa qaaybaha kala gadisan ee maamullada degmooyinka, wax-galka, dhallinyarada iyo bulshada Caasimadda.















