Kooxda Man United oo heshiis muddo dheer ah la saxiixatay laacib ka cayaara weerarka oo Denish ah: SAWIRRO

0
348

Kooxda Manchester United ayaa heshiis shan sano ah la saxiixatay weeraryahanka u dhashay dalka Danmark ee Rasmus Hojlund oo ay kala soo wareegtay kooxda Atalanta ee ka dhiaan Talyaaniga.

20-kan ayaa heshiiskiisu waxa uu ku kacay 72-milyan oo GINI oo u dhiganta 92.52-milyan oo doollar, waxa uuna noqonayaa saxiixii lixaad ee abid ugu qaalisanaa ee ay gasho Old Trafford sida warbaahinta UK ay shaacisay.

Hojlund, oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha FC Copenhagen iyo Sturm Graz, ayaa ku biiray kooxda Atalanta bilawgii xilli ciyaareedkii 2022-23, waxa uun horyaalka Seria A ka dhaliyay 9 gool xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxa uu noqonayaa saxiixii sadexaad ee Manchester United ee suuqa kala iibsiga, kadib imaatinka Mason Mount oo ay kala soo wareegtay Chelsea iyo gool-haye Andre Onana oo ka yimid Inter Milan.

Ugu dambeyn, Kooxda Man United ayaa ku dhameysatay kaalinta saddexaad xilli ciyaareedkii hore, iyadoo xaqiijisay booskeeda Champions League. Waxa ay sidoo kale ku guuleysteen League Cup bishii Febraayo ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here