Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si wadajir ah ugu qayb-galay kulan wacyigelin iyo la-tashi bulsho oo ay isugu yimaadeen maamulka, odayaasha, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala gaddisan ee bulshada degmada Heliwaa.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan BFS iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ka mid ah golaha deegaanka magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta Amniga Caasimada, iskaashiga bulsho ee dib-u-dhiska magaalada iyo sidii loola dagaallami lahaa maandooriyaha iyo kooxaha Khawaarijta.























































