Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa maanta daah-furay dib u hawlgelinta ololaha nadaafada iyo ganaaxyada dadka ku xadgudba bilicda Caasimadda.
Fulinta ololahan ayaa Dowladda Hoose ee Xamar waxa ay u xil saartay shirkada nadaafada EFI, iyada oo goobta lagu soo bandhigay gaadiid iyo ciidamo si gaar ah u fulin doono barnaamijka bilic soo celinta iyo la xisaabtanka dadka ku xadgudba nadaafada.
Maamulaha shirkada nadaafada EFI, mudane Maxamed Xuseen (Xuluko) ayaa ballan-qaaday in ay mas’uuliyad ballaaran iska saari doonan bilicda Caasimadda.
Agaasimaha guud ee nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka Banaadir, mudane Maxamed Suudi waxa uu tilmaamay inay fulin doonan awaamiirta lasoo saaray ee la xariirta ganaaxyada Nadaafada.
Taliyaha ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar, Col. Carabow ayaa faray ciidanka ilaalinta deegaanka in ay gacan adag ku qabtaan cid kasta oo dhibaata ku ah nadaafada iyo bilicda magaalada.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, mdane Cabdicasiis Cismaan oo ololahan daah-furay ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dib u soo celinta bilicdii ay magaaladu lahayd.





































