Kulan Xus ah oo loogu duceynayey Shuhadadii ka baxday Gobolka Banaadir 24 July 2919 oo uu ku Jirey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Candiraxmaan Yariisoow ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Waxaa kulanka ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed Filish, Ku Xigeenadiisa, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Dowladda Hoose iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Cukumaa’udiin, Haween, Ehelada Marxuumeentii Shahiidey iyo qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho.
Duco iyo Quraan Akhris kadib, Sheikh Cali Sheikh Maxamuud sheikh Cali Dheere oo ka mid ah Culumaaudiinka soomaaliyeed ayaa munaasabada furay waxa uuna tacsi uu u diray ehelada iyo shaqaalaha gobolka banaadir kadib ku dheeraaday wanaagii iyo sharaftii ay lahaayeen shuhadaii ku shahiidey qaraxii ka dhacay aqalka dowladda hoose July 2019 waxa uuna intaa ku daray muhiimadda ay leedahay in mar walba la xasuusto.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Xaabseey oo Qaraxii July 2019 ka badbaadey oo Goobta ka hadashay ayaa dowladda soomaaliya madaxdeda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir weydiisatay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo wixii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyadoo hoosta ka xariiqay in aaney weli arag dad loo soo xiray kiiskii galaaftay nolosha 10 Halyey oo uu ku jirey Maayerkii Magaalada Muqdisho. Inj. Yariisoow.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir u qaabilsan Maamulka iyo Maaliyadda Mdane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanabooro oo munasabdda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir xil weyni ka saran yahay ka warqabidda caruurtii ay ka tageen marxuumeentii ku shahiidey aqalka dowladda hoose ee xamar 2 sano kahor, waxa uuna hoosta ka xariiqay in baaritaanka kiiska ay u gooni tahay heyadaha amaanka qaabilsan isagoo rajeeyey in mar uun cadaalada la horjeeni doono kuwii mashaqasdan ka danbeeyey
waxaa Munaasabadda soo xiray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed cumar Filish waxa uu sheegay in baaritaanka kiiskii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose 2019 ay Hey’adaha Amnigu shaqadooda wataan, waxa uuna intaa ku daray iney Maamulkiisu u taagan yihiin la dagaalanka Cadowga Umadda Soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegay iney soo maleegeen dilka Labeentii Gobolka Banaadir Maanta oo kale laba sano ka hor oo uu ku jirey Maayerkii Magaladan Muqdisho.
Waxa uu Alle uga bartay Mujaahidiintii ku geeriyoodey Qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose inuu Janadiisa ka waraabiyo Ehelka iyo Qaraabadana sabar iyo Iimaan ka siiyo.
Markii Munaasabddu soo dhamaaday waxa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxmed Filish qaabiley Caruurta iyo Ehelada ay ka baxeen 10-kii Hayey ee ka Shahiidey Maamulka Gobolka Banaadir 24-kii July 2919.
Munaasabadan oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ee xamar waxaa ka sii horeeyey duco iyo xus la mid ah oo ka dhacday xarunta mu’asasada ee Macalin Nuur, waxaana loogu duceeyey muwaadiniintii ku shahiidey qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose jully 2019.
WQ. CNaasir Iidle.













