Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maalintii afaraad ku sugan furamaha lagu baacsanayo khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gaaray deegaanka Cad-cadooy ee hoos-timaada degmada Ruun-nirgood.
Duqa Muqdisho ayaa halkaas kula hadlay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaamiyeyaasha ciidamada difaaca shacabka ee wada abaabulka xoogan iyo hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, waxa uuna ku booriyay in lasii dardar-geliyo hawlgallada gobolka iyo guud ahaan dalka loogu sifeynaayo mooxaha khawaarijta.















