Kulan looga Hadlay Xoojibta Sugidda Amniga Caasimadda oo lagu Qabtay Muqdisho iyo Saraakiil ka Qayb-galay: SAWIRRO

0
283

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardar-gelinta sugidda amniga caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada-shaqeynta laamaha amniga iyo bulshada.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir G/sare Macallin Mahdi iyo taliyaha qaybta guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor, ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarrada iyo isbeddelka amniga loogu dhageystay guddoomiyaasha iyo saraakiisha qaybta bartamaha ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here