Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay inay hayaan dad badan oo shahaadooyin been abuur ah kusoo dalbaday inay ka mid noqdaan 3000 ee macallin ee wasaaraddu ay qaadstay.
“Suurogal ma ahan in shahaado lasoo been-abuuray lagu shaqeysto ama lagu noqdo macallin, waana ka digeynaa in la qaado mar kale tallaabooyinkaas oo kale,” ayuu yiri Wasiir Faarax oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigay 3000 ee macallin ee ku guuleystay imtixaankii ay qaadday wasaaradda.
Wasiirka ayaa sheegay in shahaadooyinka loosoo gudbiyay ee macallinnimada lagu soo dalbaday ay ahayeen kuwo been-abuur ah oo ay xitaa ku jireen kuwo laga soo been-abuuray jaamacado waaweyn oo dunida ku yaalla.
Sidoo kale, Wasiir Faarax ayaa sheegay in ay hayaan magacyada dadkii soo gudbiyay shahaadooyin beenta ah si ay macallin ugu noqdaan, ayna xaqiiyeen inay yihiin kuwo been ah, kaddib markii aan la xiriirnay jamacadihii ay sheegeen inay ka soo qaateen.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay inay ka baqeen in maxkamado lala aado haddii ay shaaciyaan magacyadooda, wuxuuse sheegay inay uga digayaan inay mar kale falkaas oo kale ku kacaan.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in aan shahaadooyin been abuur ah lagu noqon karin macallin, ayna sameynayaan baaritaanno ay arrintaan uga hortagayaan.













