Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta daah-furay qorshaha bixinta raashin loogu tala-galay in la gaarsiiyo qoysaska danta yar ee ku nool 17-ka degmo iyo saddexda deegaan ee uu ka kooban yahy gobolka Banaadir inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane C/llaahi Aadan Muuse ayaa qorshahan ka daah-furay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Daah-furka barnaamijkan oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu tala-galay in lagu garab-istaaga qoysaska danta yar inta lagu guda jiro Ramadaanka, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maamulka degmada Xamar-jajab iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adda maareeynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA.















