Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay kulanka la dagaalanka Maandooriyaha

0
442

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Kulanka wadatashiga Amniga iyo Ladagaalanka Muqaadaraadka kaas oo lagu qabtay xarunta Deegaanka Gubadleey.

Ololahaan oo si joogta ah uga socda degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir ayaa ah mid lagu doonayo in lagu cirib tiro isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha oo ah mid caqabad ku ah horumarka iyo Xasiloonida Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha uu yahay mid lagula dagaalamayo jiritaanka bulshada iyo horumarkeeda.

Kulanka waxaa Ku wehliyey duqa Magaalada, Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo deegamada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here