Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo Meel Wanaagsan Mareyso.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa Mid uu Gudoomiye Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socoto dib udhiska wadadaas oo ah mid ay baahi weyn u qabeen Bulshada labada gobol Maadaama isticmaal keedu dhibaatooyin kala duwan lagu qabay.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ayaa deegaanka Caliyaale kusoo dhaweeyay kolanyada Duqa Magaalada Muqdisho, waxa ayna si wadajir ah warbixin uga dhageesteen howl-wadeenada ku howlan dib-udhiska lagu sameynayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Kormeerka kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Jamaal Kaas oo loogu talagalay in lagu daweeyo Hooyada iyo dhalaanka.














