Guddoomiye Yabooh oo Dhagax-dhigay Dhismaha Jid Interlock ah oo laga hirgelinayo degmada Yaaqdhiid: SAWIRRO

0
89

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhisay dhismaha waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo wddada Dayax Mall ee degmada Yaaqshiid, taasoo isku xiraysa Hotel Golden illaa Isbitaalka Qaadi.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, mudane Suleymaan Maxamuud Fargax oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in muumulkiisa oo gacan ka helaya shacabka iyo ganacsatada ay u istaageen sidii loo dhisi lahaa waddadan oo qayb ka qaadanaysa horumarinta kaabayaasha bulshada iyo isku socodka degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa soo dhaweeyay qorshaha isku tashiga bulsho ee lagu horumarinayo wadooyinka degmada Yaaqshiid, waxa uuna xusay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta kaabayaasha isku socodka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here