Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka adeegga Premier Payment Gateway oo ah adeeg cusub uu bangiga u soo kordhiyay bulshada Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay bangiga Premier casriyeynta adeegyada ay u haayaan bulshada, taasi oo daliil u ah buu yiri in dalkeenna uu horay u dhaqaaqay, waxa uuna dhinaca kale kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan maal-gelinta ganacsiyada kala duwan si loogu maarmo ku tiirsanaanta in wax weliba dalka dibaddiisa laga keeno oo laga faa’ideysto kheyraadka dalka.

















































