Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay dulleedka degmada Garasbaaley, deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Lafoole, halkaasoo ay ciidamada amniga maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen hawlgallo lagu xaqiijinaayo amniga.
Duqa Muqdisho ayaa saraakiisha laamaha amniga ku amaanay naf-hurnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in hawlgalka lagu xaqiijinayo amniga ee laga wado dulleedka Muqdisho uu wax weyn ka tarayo ka hortagida in kooxaha khawaarijta ah ay ku dhex-dhuuntaan bulshada iyo in ay kusoo dhuumaaleystaan magaalada Muqdisho.
Kormeerka waxaa qayb ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, taliye ku-xigeenka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir iyo madaxda taliyeyaasha ciidanka booliska sida millateriga u tababaran iyo gudoomiyaha Degmadda Garasbaley.

























