Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kaga qayb-galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hor-tagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali karin tallaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxiixdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweyne Xasan ayaa tallaabadaas ku sifeeyay mid baal-marsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika isla markaana aan la aqbali karin.















