Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka u gudbisay liiska go’aannada guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay quseeyeen shirkadaha, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.
Dhanka kale, hay’addu waxay shirkadaha isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha Mobile-ka la isugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha Mobile-lada la isugu diro ee saaran shabakadahooda iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.
Sidoo kale, Waxaa shirkadaha isgaarsiinta la farayaa inay diiwaan-geliyaan lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatayna Sim-kaararkooda dib loogu diiwaan-geliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; si waafaqsan qodobka 5-aad ee sharciga ka-hortaga lacag- dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada iyo qodobka 66-aad ee sharciga isgaarsiinta Qaranka.
Hay’addu, waxay intaas ku dartay in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada guddiga Qaran ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.












