Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

0
33

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyhan kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo duqa Muqdisho in uu sii dhameystiro qorshayaasha horumarineed ee caasimadda, isagoo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir, in uu EEBBE u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan-galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here