VIDEO: Duqa Muqdisho oo digniin u diray kuwa is-daba-mariya gargaarka loogu talagalay danyarta iyo barakacayaasha: SAWIRRO

0
290

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir-guddoomiyay shirka madasha xiriirinta gargaarka ee Gobaalka Banaadir oo soo agaasintay waaxda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee maamulka Gobolka Benaadir.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa isla xisaabtan la xariira in sharciga lala tiigsan doono hay’adaha iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaha gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu taageero barakacayaasha iyo kuwa danta yar ee ku nool 17-ka degmo iyo 3-da deegaan ee Gobolka Banaadir.

Agaasimaha waaxda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Gobalka Banaadir, Mudane Muxyadiin Maxamuud Cabdullaahi (Oogle) ayaa tilmaamay in waaxda ay diyaarisay nidaam daah-furan oo u baahan in la dhaqan-galiyo isla markaana fududeyn doona ka hortagga musuqa gargaarka la xariira.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa digniin adag u diray dalaalleyda iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaaha gargaarka ah ee loogu talagalay dadka danta yar iyo barakacayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here