WASIIR AWEYS: Ma aqbali doonno gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ku doonayso baddeenna

0
165

Wasiirka warfaafinta XF Somalia, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb-galay Jaaliyadda Soomaaliyered ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka munaasabad looga soo horjeedo damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qaybo ka mid ah Badda Somalia.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa uga mahad-celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna.

” Waad mahadsan tihiin isku soo baxaan aad ku dhigeysaan Minnesota, idinka oo ka horjeeda gardarada qaawan ee dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyneynaa in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya,islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka Aweys.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya mar kasta ay u taagan tahay daris wanaag iyo iskaashi, laakiinse ma ogolaanayso in lagu soo xadgudbo madax-bannaanideeda dhul, cir iyo bad.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marna ma yeelayno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaacaynaa Qarannimada, wadajirka iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Itoobiya uga digay inay ka waantowdo falalka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, mar kale, uga mahad-celiyay sida waddaniyada leh ee ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta Qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here