Saadaal laga bixiyay Kooxda laga yaabo inay ku Guuleysato Horyaalka Premier League-ga 2023-2024: SAWIRRO

0
393

Khuburo dhanka cayaaraha ah ayaa saadaal ka bixiyay kooxda laga yaabo inay qaaddo horyaalka Premier League-ga Ingiriiska xilli cayaaredka soo socda ee 2023/2024-ka, kaasoo kooxuhu ay aad ugu loolami doonaan.

Gary Neville iyo Jamie Carragher oo ahaa laba ziddig oo u soo cayaaray Arsenal iyo Liverpool ayaa u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub kooxda Manchester City, inkasta Neville uu si buuxda meesha uga saarin fursadaha kooxda Arsenal ee horyaalka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee Ingiriiska ka dhisan oo afar jeer oo xiriir ah ku guulaysata horyaalka premeir League.

“Manchester City waxay u muuqataa inay noqon doonto kooxdii ugu horaysay ee taariikhda afar jeer oo isku xigta qaadda horyaalka Ingiriiska,” ayuu yiri Carragher oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ee inta badan ka faalloota cayaaraha.

Carragher ayaa hadalkiisa ku darsy: “Man Ciry waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican taariikhda Premier League ee aan aragnay, waana taas midda keentay inaan siinno saadaasha koobka Primier League-ga ee xilli cayaareerka soo socda 2023/2024.”

“Waa fursad kale oo dahabi ah in City ay mat kale ku guuleysato horyaalka ayna u dhigto rikoor cusub kooxaha England ka cayaara, mana garanayo waxa ay kooxda uga dhignaan doonto haddii mar afaraad ay ku guuleysato horyaalka PL, waayo ma ahan wax horay u dhacay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Arsenal way awood ayay muujisay, sidoo kale Liverpool iyo Chelsea iyaguna waa laba kooxood oo xoog leh, balse macallin Pep Guardiola ayaa kooxdiisa ka dhigay mid awooddeedu muuqato, waxa aana aaminsanahay in ay ku guulaysan doonaan markii 4-aad horyaalka PL ee 2023/2024,” ayuu Carragher ku xoojiyay hadalkiisa.

Dhanka kale, Gary Neville ayaa la dhacsan kooxda Arsenal, wuxuuna rumaysan yahay in ay Arsenal ku guulaysan doonto Premier League xilli cayaareedka soo socda.

“Uma malaynayo in ay Arsenal sameyn kartay wax ka badan inta ay samaysay, si ay u soo yareyso farqiga kooxdeeda iyo kuwa kale, waxa ay sameeyeen saxiixyo fiican, waana taas tan i dhiirri-gelinaysa,” ayuu yiri Neville.

Ugu dambeyn, Waxa uu hadalkiisa kusoo xiray: “Casida aan qabo waa in ay koox kaliya ku guulaysan karto horyaalka, kooxdaasna tahay Manchester City oo u muuqata in awooddeedii cayaareed ay weli tahay mid sarreysa oo aan is-dhimin.”

Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa ah laba kooxood oo aad u xifaltama, ayaa Axaddii lasoo dhaafay ku loolamay koobka Community Shield, kaasoo ay rigoorayaal ku qaadday Arsenal, waxaana Man City ay u ahayd guuldarradan niyad aad u weyn oo aysan filayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here